Varning för bedrägerier i deklarationstider.

Sidan Iska ilaali tuugta telfonka & kombuyutarka

Khiyaamada iyo tuugada ayaa sanadadii ugu danbeysay sii korodhay. Waxa uu qoraalkani ku saabsan yahay sidaad naftaada iyo lacagtaadaba uga illalin laheyd khiyaanoolaha. Waxa maalin kasta uu khiyaanooluhu diraa 3.4 bilyan oo emayl been abuur ah/aan dhab aheyn. Waxay khiyaanoolayashu emaylada been abuurka ah u diraan si ay ugu helaan BankID:gaaga, xarafkaaga sirta ah/passwordkaaga iyo xogta kaadhkaaga. Waxa taas loo yaqaanaa internet ka kaluumeysi (nätfiske).

Publicerad: 2023-01-09

Senast ändrad: 2023-01-09

Waxaad keliya gujisaa linkiga haddii aad hubto cida emaylka soo dirtay

Ka digtoonow markaad linkiga gujinayso, lifaaqyada ama la soo degista barnaamijyada emaylka kuu soo maray. Ka digtoonow xitaa haddii ay u muuqato inuu emaylku ka yimid cid aad garaneyso oo aad ku kalsoon tahay. Tusaale ahaan, bangigaaga ama hay'ad dawladeed. Khayaanoolaha ayaa beddeli kara magaca cidda soo dirtay si emaylku ugu eekaado mid dhab ah. Waxan ayaa ay sameeyaan si ay kuu khiyaameeyaan.

Haddii aad linki emayl ku jir gujiso, waxay ku geyn kartaa bog internetka ah oo been buur ah kaas oo badanaa u eg bogga dhabta ah.

Mouse:ka kombuyuutarka dul qabo linkiga adiga oo aan gujineyn si aad u aragto maqaciisa dhabta ah. Ha gujin linkiga haddii magacu wax aan caadi aheyn u muuqdo ama haddii magacu aanu waafaqsaneyn emaylka cidda soo dirtay.

phishing

Weligaa ha bixin xogtaada gaarka ah

Ma waxa emaylka ku yaalla inaad bixiso macluumaadka kaadhkaaga ama xarafkaaga sirta?
Cida soo dirtey ma waxay rabtaa inaad dhakhso wax u sameyso?
Weligaa ha bixin xogtaada gaarka ah haddii uu qof ku weydiisto.

Xarafkaaga sirta ah (passwordkaaga) dhig meel sugan
Markaad xarafkaaga sirta ah meel ku xafiddo waxaad iska ilaalin kartaa inuu khayaanooluhu helo macluumaadka gaarka ah ee aad isticmaasho si aad u gasho adeegyada kala duwan.

Sidan ayaad u ilaalineysaa xarafkaaga sirta ah:

  • Waligaa ha bixin xarafkaaga sirta ah
    Isticmaal xaraf sir ah oo gaar ah oo adag oo xarfo badan, lambaro iyo calaamado ka kooban
  • Isticmaal wax kuu haya xarafka sirta
  • Isticmaal xaraf sir ah oo kala duwan oo aad u sameyso adeegyadaada ugu muhiimsan, sida emaylka, baraha bulshada iyo BankID
  • Qaabab badan isku caddee markaad soo galeyso. Tusaale ahaan, xarafkaaga sirta ah oo uu weheliyo BankID ama koodh sms ahaan laguugu soo diro.

Liiska waxyaabaha la hubinaayo si aad iskaga ilaaliso nätfiske:

  • Emaylka si taxadir leh u akhriso ka hor intaand linki gujin ama aana fayl furin. Iska hubi luqadda iyo naxwaha ay ku qoran tahay.
  • Is barbardhig haddii ay emaylku u egtahay sidi ay ahaan jirtay markay ciddaasi soo dirto. Haddii ay u muuqato inay ka duwan tahay waxay noqon kartaa tuug isku dayaya inuu ku khiyaameeyo.
  • Shirkadaha dhabta, hay’ad dawladeed ama ururrada ayaa waligood ku weydiisan karin inaad emayl macluumaadka shakhsiga ku siiso.
  • Waligaa ha ku galin BankID haddii ay cidi kuala soo xidhiidh si lama filaan ah oo ay kaaga dalbado inaad is cadeyso.
  • Haddii ay u muuqato inay tahay wax aad u wanaagsan inay run noqoto, ayaanay malaha markaas aanay run aheyn.

Jooji khayaanoolaha

Markasta booliiska kala hadal telefoonka 114 14 haddii aad u malaynayso in qof isku dayaayo inuu ku khiyaameeyo ama haddii khiyaano lagugu sameeyo.

Waa maxay nätfiske?

Nätfiske waa marka ay dadka wax khiyaameeya isku dayaan inay kaa dhacaan lacag adigoo gujinaaaya linki faalso ah ama faylal lagu soo lifaaqay. Markaad linkiga faalsada ah ama faylka gujiso ayaa khayaanooluhu heli doonaa xogtaada gaarka ah, sida xarafkaaga sirta ah/passwordkaaga, BankID:ga iyo macluumaadka kaadhkaaga. Linkiyada iyo faylalka ayaa badiyaa emayl laguu soo mariyaa. Dad badan ayaa lagu khiyaameeyaa maxaa yeelay waxay emaylku u eegtahay inay ka timid cid dhab ah oo soo dirtay, sida bangi ama hay'ad dawladeed. Nätfiske ayaa mararka qaar loo yaqaan phishing.

Sidee ayay u eegtahay markay tahay nätfiske?

Emaylka uu khiyaanoolahu soo diro si uu kuugu khiyaameeyo ayaa emayl caadi ah u ekaan kara. Waxa uu khiyaanooluhu emaylka dhexdeeda isku dayayaa inaad sii gujiso si aad ugu tagto bog been abuur ah. Badanaa iyagoo soo qoraya inaad is caddeyso si aad koontadaada uga ilaaliso inay cidi soo gasho. Sidaas ayay ku helayaan macluumaadkaaga gaarka ah, ee sida xarafkaaga sirta ah ama macluumaadka kaadhka.

Nätfiske cid la beegsanaayo

Nätfiske cid la beegsanaayo waa nätfiske ku wajahan dad gaar ah ama ururro. Markaas ayuu marka hore khiyaanolahu soo ururiyaa macluumaad badan ku saabsan dadka ay isku dayayaan inay khiyaameeyaan. Tusaale ahaan, shaqaale la doortay oo shirkadeed. Ujeeddadu waxaweeye inay dadku sii gujiyaan si ay ugu aadaan bog uu ku jiro fayrus waxyeelo badan oo kombiyuutarkooda saameeya.

Khiyaanada telefoonka

Khiyaanada teleefanku waa marka uu khiyaanoole uu ku soo waco si uu lacag kaaga dhaco. Waxa uu khiyaanolahu badanaa dhahayaa inuu kaala soo haldayo bangiga, booliiska ama hay'ad kale ama daryeelka caafimaadka. Waxa caadi ah in khaayoolahu dadka ku dedejiyo inay xogtooda gaarka ah dhiibaan. Waxay badanaa rabaan inaad isticmaasho aaladaada bangiga lagu galo (bankdosa) ama BankID. Waxaad kaga badbaadi kartaa in lagu khiyaameeyo markaad adigu hay'addaas dawladeed, bangigaa ama shirkaddaa uu sheeganayo inuu ka socda la hadasho.

SMS faalso ah

Waa ay adag tahay in la ogaado inay sms-tu ka socoto qof dhaba oo soo diray ama haddii uu yahay khayaanole isku dayaya inuu ku khiyaamo. Waxa internetka laga helaya adeegyo uu qof kastaa sms soo diri karo taas oo u ekaan karta cidkasta oo soo dirtay. Waa inaad sidaa darteed ka digtoonaataa markaad sms-ta fureyso oo ha gujin linkiyada sms-ta laguugu soo diro.